Caafimaadka Midaysan Ee Carruurta Reer-Guuraaga Ah Ee Soomaaliya: Hagaha Baraha
No hay miniatura disponible
Fecha
Autores
Título de la revista
ISSN de la revista
Título del volumen
Editor
International Livestock Research Institute
Resumen
Descripción
Carruurta da'doodu u dhaxayso 6 ilaa 13 sanno waxa ay ku jiraan marxalad muhiim ah oo nolosha ka mid ah. Wakhtigan, waxa ay:
• Si degdeg ah wax uga bartaan, fikradahana ka qaataan, sheekooyinka, dadka, iyo deegaankooda.
• Yeeshaan dareen naxariis iyo mas'uuliyadeed oo ay u hayaan xoolaha iyo deegaanka ku xeeran.
• Ka qaataan door firfircoon hawlaha guriga iyo daryeelka xoolaha.
• Samaystaan caadooyin iyo aragtiyo qaabayn doona dabeecadooda marka ay qaangaadhaan.
Baridda fikradda “Caafimaadka Midaysan” oo goor hore la gaadhsiiyo carruurtan, waxa ay ka caawinaysaa in ay fahmaan muhiimadda ay leeyihiin biyaha nadiifta ah, daryeelka xoolaha, cuntada badqabta, dhulka caafimaadka qaba, iyo iskaashiga bulshada. Cashirradani ma aha kuwo aan la taaban karin, se waxa ay si toos ah uga turjumayaan nolosha dhabta ah ee deegaannada reerguuraaga ah.
Palabras clave
animal health, environment, human health
